Soomaalida ku nool Koonfur Afrika oo kharaj dheeraad looga qaato Cusbooneysiinta Dal-ku-joogga.

Soomaalida Magangelyo-doonka ee ku sugan dalka Koonfurta Afrika waxay ka cabanayaan Lacag ganaax oo lagu soo rogay, marka ay doonayaan in dib loogu cusbooneysiiyo Aqoonsiga ay ku joogaan dalkaasi.

Qaar ka mid ah Soomaalida tegay Xafiiska Qaabilaadda Qaxootiga ee magaalladda Port Elizabeth “The Port Elizabeth refugee reception office” ayaa tilmaamay in qofkii la soo daaha Dukumentigiisa dhacsan ay Saraakiisha ku ganaxaan lacag dhan 2,000 oo Rand oo ah Lacagta laga isticmaalo dalka Koonfurta Afrika.

Qaar ka mid ah Soomaalida oo deggan meel ka fog Xafiiska Qaabilaada Qaxootiga ee magaalladda Port Elizabeth ayaa sheegay inaysan Saraakiisha Xafiiskaasi marnaba dhegeysanin Cabashadooda ku aadan sababaha ay ula soo daaheen Dib-u-cusbooneysiinta Waraaqaha Fasaxa Dal-ku-jooga.

Mid ka mid ah Soomaalida oo lagu magacaabo Maxamed Cali Baaba waxa uu sheegay inuu bilowgii bishii hore yimid Xafiiska si loogu cusbooneysiiyo Dukumentiga, balse uu la kulmay iyadoo la xiray Xafiiska.

Waxa uu tilmaamay inay dantu ku khasabtay inuu Qol ka kireysto Hotel, maadaama uusan ku laaban karin Deegaanka uu ka yimid ee lagu magacaabo Bloemfontein.

Ninkaasi oo 35 jir ah ayaa Saxaafadda u sheegay inuu maalintii Labaad ku soo laabtay Xafiiska, loona diiday inuu gudaha u galo, ilaa markii dambe ay Saraakiisha u garaabeen Cabashadiisa, inkastoo loo sheegay inuu soo daahay, lagu ganaaxay lacag dhan 2,000 oo Rand.

Ashrad Axmed oo 27 jir ah, kana yimid Somalia ayaa isagana sidaas oo kale loo ganaaxay, si loogu cusbooneysiiyo Waraaqaha Dal-ku-jooga ee dalkaasi.

Ashraf Axmed oo ah Harqaanle deggan Deegaanka Jeffreys Bay ayaa sheegay inuu tegay Xafiiska oo aad u mashquul ah, wuxuuna Ilaaliyihii u sheegay inuusan sugi karin safka dheer oo ay gabar ka xanuunsan tahay, isla markaana uu berrito soo laaban doono.

Ashraf Axmed waxa uu isla maalintaasi ku mashquulay sidii uu gabadhiisa u geyn lahaa Dhakhtarka, wuxuuna maalintii labaad dib ugu  laabtay Xafiiska, balse waxa uu muteystay ganaaxa laga qaado Soomaalida loo cusbooneysiinayo Sharciga.

Dhinaca kale, Soomaalida aan haysanin Lacagaha ganaaxa waxay Kaalmo weydiistaan Xafiiska Urur ay leeyihiin Soomaalida ku nool dalkaasi, oo ku yaalla Degmadda Korosten.

Madaxa Ururkaasi oo lagu magacaabo Maxamed Kaat (SAWIRKA HOOSE) ayaa sheegay inay Xafiiskiisa had iyo jeer soo buuxiyaan Soomaali aan awoodi karin inay iska bixiyaan Kharajka Ganaaxa, si loogu cusbooneysiiyo Joogitaanka Dalkaasi.

MOHAMED KAT-SOUTH AFRICA

Waxa uu tilmaamay inay cabasho u gudbiyeen Waaxda Socdaalka ee dalka Koonfurta Afrika, si Qaxootiga Soomaalida looga yareeyo Ganaaxa la bixiyo marka uu qofka cusbooneysiinayo Dukumentiyadda Dal-ku-jooga.

Si kastaba ha ahaatee,  Dowladda Koonfurta Koonfurta waxay Sharci ahaan u qoondeysay in Qaxootiga doonaya in loo cusbooneysiiyo Dal-ku-joogga laga qaado 1,000 Rand, halka Soomaalida tagta Xafiiska Qaabilaada Qaxootiga ee magaalladda Port Elizabeth laga qaado  qofkiiba lacag dhan 2,000 Rand.

 ©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor