Soomaalida ku nool dalka Holland oo aan u dhiifoonayn shaqo-raadinta

Ku-dhawaad 37,000 oo Qaxooti Somali ah ayaa ku nool dalka Holland ama the Netherlands, waxaana la sheegay in shantii qof uu hal qof oo keliya ka shaqeeyo.

Daraasaad cusub oo ay soo saartay Xafiiska Istaatistikada Netherland iyo qorsheynta bulshadda iyo dhaqanka (Statistics Netherlands and the Social and Cultural Planning Office (SCP), oo Luqadda Dutchka lagu yiraahdo Volkskrant ayaa lagu sheegay inay Jaalliyadda Soomaalida ay inta badan dhibaatooyin kala kulmaan Suuqa Shaqada (The labor market).

Daraasaadda Xafiiska Volkskrant ayaa lagu sheegay in  ku-dhawaad 1% ay Soomaalida yihiin kuwo iskooda u shaqeysta marka loo barbar dhigo Jaalliyadaha kale ee Qaxootiga ah eek u nool dalkaasi, iyadoo dadka Bulgarianka ay 30% shaqeystaan, halka Qaxootiga Afganistan ay 10% shaqeeyaan.

Warbixinta cusub waxaa kaloo lagu sheegay in Qaxootiga Soomaalida ku nool dalka The Netherlands ama Holland dhibaato ku qabaan Warqadaha Shaqada ee loo baahan yahay marka la bilaabayo Ganacsiga iyo sidii lagu heli lahaa raasamaal ku wada filan.

Warbixinta Xafiiska Volkskrant waxaa kaloo lagu xaqiijiyey in heerka shaqo la’aanta Soomaalida kaalin ku leedahay Aqoonta Hoose ama Jahlinimadda, iyadoo ay jiraan Soomaali badan oo aan xitaa qori karin Afkooda Hooyo.

 Xigasho:- NL Time

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor