Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib uheshiisiyiinta Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo Howlo shaqo ujoogay Baydhabo ayaa Maanta dib ugu laabtey Magaalada Muqdisho, wuxuna garoonka Diyaaradaha Baydhabo ka sii sagootiyay Guddomiyaha Baarlamanka KGS Mudane Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye, Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uliyiin kale.
Ujeedada Baydhabo maalmaha u joogay Baydhabo Wasiirka ayaa aheyd sii wada tashi ula sameyn lahaa Madaxweynaha KGS Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Guddomiyaha Baarlamanka oo kala hadleyay sidii loo soo xuli lahaa Xildhibaano ka Shaqeya horumarka iyo dowladnimada Koonfur Galbeed.
Guddoomiye Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in wasiir Cabdi Maxamed Sabriye sacadihii uu joogay isaga iyo Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamanka KGS ay ka wadaha hadleyn sidii loo soo xuli lahaa Baarlaamanka labaad ee maaamulkaas
Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa hogaanka sare ee Koonfur Galbeed uu kala hadlay soo xulista Xildhibaanada iyo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.