SOMALILAND OO Xayiraad Ku Soo Rogtay Isbaheysiga Sacuudiga

“ Jamahuuriyadda Somaliland werwer badan ayey ka qabtaa waxaa ka socdda dalka Yeman, il dheer baanu ku haynaa, beesha caalamkana waxaan ugu baaqaynaa in lays ku dayo in xal loo helo dagaalkaas socda.

Xulafada dagaalka ku jirta ee Sucuudigu hogaaminayaa ma isticimaali karaan Hawada, Bada, iyo Garoomada Qaranka Somaliland ilaa ogolaasho rasmi soo waydiistaan Xukuumadda Somaliland.

Inkastoo mawqifkayga siyaasadeed uu cad yahay, hadana ma isticimaali karaan angoo aan u ogolaan, waanu uga digaynaa in ay iscimaalaan, fariin cod dheerna waxaanu leenahay wixii cawaaqib xumo ka timaada arintaasi hadii ay dhacdo iyagaa ka masuula. u raacimayno masuuliyadeeda Muqdisho Dawladda Soomaaliya,
Dawlada Soomaaliya wixii ay hayso ee ay maamusho cid haka marti soorto, wax aanay haynin ninka yidhaa cid ayaan ka marti soorayaa dee maaha aragti sax ah, waxay carabtu ku maah-maahdaa ninkaan waxba hayni waxba ma bixiyo.

Garoomada Somaliland, Hawadeeda iyo Badeeda in lagaga duulo kooxaha Xuutiyiinta ee Yeman ogolaashaheeda Dawladda Muqdisho ma bixin karto.”

ALLAA MAHAD LEH.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka JSL
Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.
08/04/2015.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor