Somaliland oo war kasoo saartay dagaalka magaalada Laascaanood

Somaliland ayaa Warsaxaafadeed kasoo saartay dagaalka ka socda Magaaalada Laascaanood ee u dhexeeya Ciidanka dadka degaanka iyo Millateriga Somaliland.

Waxaana Somaliland  Odayaasha Dhaqanka ee ku sugan Laascaanood ay ku timaantay kuwo Nabad diid ah.

“saaka  subixii hore ayaa waxaa weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka iyo Xarunta ay degan yihiin Golaha Wasiirada  Somaliland ee Magaalada Laascaanood, kooxo hubaysan, kuwaasoo ay soo abaabuleen Garaadada Nabad  diidka ah ee ku sugan Magaalada” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Somaliland ayaa intaa ku dartay in Ciidankeedu ay iska difaaceen weerar sida ay sheegeen ahaa mid Argagixiso, kaasi oo ay iska Caabiyeen Ciidanka Somaliland, waxaana sida ay sheegeen kaga dhaawacmay labo Askari.

“Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa iska difaacay weerarka argagixo waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul,  wixii khasaare dib ayay Xukuumadda ka sheegaysaa, inkastoo inta la ogyahay ay weerarkan ku dhaawacmeen laba askari” ayaa lagu yiiri War-saxaafadeedka kasoo Baxay Somaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor