Somaliland Oo Ogolaatay in ay dajiyaan Qaxaaoti kasoo Cararay Dagaalada Yemen

Qaxooti isugu jira Soomaali iyo Yaminiyiin oo kasoo cararay qalalaasaha dalka Yemen ayaa Xalay ku dul hoyday markab ay kasoo raaceen dalkaasi kaas oo ku xertay Dekeda Magaalada Berbera.

Masuuliyiinta Maamulka Somaliland ayaa amar ku bixiyay in dadkaasi aysan kasoo dagin magaalada berbera waxayna arintaasi abuurtay in ay isku dhacaan masuuliyiintaasi.

qaxootiga ayaa tiradooda lagu sheegay 210 qof balse Saacadihii dambe ee maanta ayaa loo ogolaaday in ay ku dagaan magaalada Berbera.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Markabkaasi saarnaa Oo laga dheehan karo rafaad daran ayaa ku goodiyay hadii loo diidi lahaa dalkooda hooyo in badda ay isku tuuri lahaayeen waa sida ay hadalka u dhigeen.

Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in deegaanadooda aysan kasoo dagi karin qaxootiga soomaalida iyo yemeniyiinta isugu jira ee kasoo cararaya colaadaha wadanka Yemen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor