Somaliland oo Mar kale ka hadashay dagaal Saaka dib uga Qarxay Duleedka Laascaanood

Somaliland ayaa war kasoo saartay dagAal saaka ka dhacay Duleedka Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, halkaasi oo si weyn looga maqlay dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayeen.

Qoraal kasoo baxay Wasaaaradda arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in Xoogagga SSC ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Ciidanka Somaliland ku leeyihiin duleedka Magaalada Laascaano.

“Hadaba si ay isu hortaagaan hirgelinta nabada iyo xabad joojinta ayay saaka kooxo hubaysani weerar ballaadhan ku soo qaadeen fadhiisimada Ciidamada  Somaliland ee ku sugan Magaalada Laascaanood, Ciidanka ayaa iska difaacay weerarka lagu soo qaaday” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Somaliland.

Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Xukuumaddu ay ilaalinayso xabad joojintii ay ku dhawaaqday, taageeraysana Ergada Nabada ee sugan Gobolka Sool, kuwaasoo ka kooban Madax Dhaqameedka Somaliland, ayna muuqato rajo fiican oo laga qabo in guul laga gaaro colaada Magaalada Laascaanood.

Waxaa Somaliland intaa ay ku dartay in Ciidamnadeedu ay wali difaac ku jiraan, oo ay iska difaacayaan weerada kaga yimaadda xoogagga SSC. “Ciidanka iyagoo fulinaya xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday awgweed waxay ku jiraan isdifaac, marnaba Ciidanka  weerar maaha” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor