Wasiiru-dowlaha Amniga ee Maamulka Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye ayaa soo saaray Wareegto uu ku xayirayo idil ahaan Shirarka Siyaasadda ee lagu qabto Hodheeladda Hargeysa ee lagu naqdinayo Hawlaha Maamulkaasi.
Waxa uu si gaar ah u xusay inaan la qaban karin Shirar looga soo horjeedo Maalgashiga Mashaariicda Horumarinta iyo Heshiiska la xiriirsa Saldhigga Milliteri ee Imaaraadka Carabta ee magaalladda Berbera.
Wasiirka waxa uu ku goodiyey inay gacan bir ah ku qaban doona dadka marti-geliya Shirarka aan la jaan-qaadi karin Siyaasadda Maamulka Madaxweyne Axmed Silaanyo.
Halkan ka akhriso Wareegtadda:
©Radio Dalsan