War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa looga hadlay Wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.
Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Somaliland aysan diyaar u aheyn in xiligaan ay wadahaal la gasho dowladda Soomaaliya, isla markaana ay arrintaas kasoo horjeedaan.
Somaliland ayaa dowlada Federaalka ku eedeysay inay aysan daacad ka aheyn oo aysan rabin wadahadalka, isla markaana waqtigaan aan la bibaabi karin wax wadahadal ah oo u dhexeeya labada dhinac.
Warkaan kasoo baxay Somaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo Guddiga Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland ee uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo shalay ay sheegeen inay dhankooda diyaar u yihiin wadahadal, isla markaana ay sugayaan oo kaliya dhanka Somaliland.