Somaliland ayaa wafdi u dirtay Deegaanka Ari-caddeeyo oo ka tirsan Gobolka Sool oo maalin kahor uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Koore iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gaaray Ari-caddeeyo, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Maamulka Gobolka, xubno ka tirsan Laascaanood iyo Odayaal dhaqmeed.
Wasiirka iyo Maamulka Gobolka Sool ayaa deegaanka Ari-caddeeyo ka bilaabay dadaalo lagu xalinayo xiisad taagneyd iyo dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday, iyagoona kulamo la qaatay Waxgaradka dhinacyadii dagaalamay.
Sidoo kale Saleebaan Yuusuf ayaa waxaa uu sheegay in labada dhinac ay heshiis kala dhex-dhigi doonaan, si marka kale uusan deegaanka uga dhicin dagaal geysta Khasaarooyin kala duwan.
Dagaalkii Maleeshiyaadka ku dhex-maray deegaanka Ari-caddeeyo ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana halkaas ku geeriyooday Afar ruux, halka tirro intaas kabadana ay ku dhaawacmeen.
Si kastaba sanadihii ugu dambeeyay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Koonfurta iyo bartmaha Soomaaliya ka dhacay dagaal beeleedyo kala duwan, kuwaasi oo qarkood markii dambe xal laga gaaray.