Muwaadin Somali ah oo magaciisa lagu sheegay Abiib Aadam Xamsa ayaa lagu soo eedeeyey isku-day uu ku xadi lahaa Boorso Laptop uu lahaa Sarkaal ka tirsan Boliska Malta.
Eedeysanaha oo 22 jir ah ayaa la soo taagay Maxkamad, waxayna Dacwad-oogayaasha u sheegeen Maxkamaddainuu Eedeysanuhu qaatay Borso ay ku jirtay Laptop uu lahaa Sarkaal Bolis oo waajib shaqo u joogay meel ka baxsan Shirkadda Biilasha Korantadda.
Eedeysanaha oo aan cinwaan guri oo rasmi ah ku lahayn Jesiiradda Malta waxa uu beeniyey inuu galay Dembigaas.
Garsooraha Maxkamadda, Audrey Demicoli waxa uu ku gacan sayray Codsi uu Kaaliyaha Garyaqaanka Eedeysanaha ku doonayey in Rafcaan lagu sii daayo inta ay Maxkamadda mar kale qaadi doonto Dacwadaasi.
©Radio DalsanÂ