Wararka naga so ogaarayo magaalladda Johannesburg ee dalkaasi waxay sheegayaan inay Boliska dalkaasi, gaar ahaan Ciiddanka ka fal-celiya Dhaca Hubeysan inay Habeen hore ku soo qabteen 3 Somali ah iyo Nin u dhashay dalka Malawi, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay ahaayeen Burcadda geysta dhaca hubeysan.
Afhayeenka Boliska Degmadda Gauteng, Kolonel Lungelo Dlamini ayaa sheegay in Eedeysanayaashaasi lagu soo qabtay dhowr hawlgal oo ka kala dhacay Degmooyinka Diepsloot iyo Cosmo, wuxuuna xusay inay haystaan qori aan fasax loo haysanin.
Waxa uu intaasi ku daray in Dhismayaasha ay degganaayeen Eedeysanayaasha laga soo helay Badeecado la rumeysan yahay in lagu soo dhacay dhowr hawlgal Burcadnimo Hubeysan.
Afhayeenka  waxa kale oo uu tilmaamay in 3-da Soomaalida wax laga weydiinayo sida ay ku heleen Qorigii lagu qabtay, kaasi oo a tuhunsan yahay in laga dhacay Sarkaal Bolis oo ku sugnaa Degmadda Olievenhoutbosc sannadkii 2012-kii.
Waxa kale oo uu sheegay in xarigooda horseedi doono in la soo xiro Eedeysanayaal kale oo ku lug leh Dhaca Hubeysan.
©Radio Dalsan