In ka badan Kun qof oo Somali ah ayaa ku nool magaalladda Lexington ee dalka Marykanka, kuwaasi oo dareemayo inaan loola dhaqmin sidii xubno ka tirsan Mujtamaca ku nool magaalladaasi.
Websaytka Telefishinka nebraska.tv ayaa Warbixin ka qoray Xaalladda Soomaalida ku nool magaalladda Lexington, wuxuuna tilmaamay in 80% ku hadli karin ama qori karin Luqadda Englishka, taasi oo wax weyn u dhintay Isdhexgalka Bulshadaha kale.
Inta badan dadka Soomaalida ee ku nool magaalladaasi waxay dareemayaan inaan la siinin Fursaddo Xaqiiqo oo ay ku baran karaan Luqadda Englishka.
Guddoomiyaha Jaalliyadda Soomaalida deggan magaalladda Lexington, Shukri Cabdi ayaa sheegtay inay 300 oo ka mid ah Jaalliyadda Soomaalida yihiin Muwaadiniin Maraykan oo ay haystaan Kaarka Green Cards-ka.
Waxay sheegtay inaysan Maamulka Dowladda Hoose culayska saarin inay tixgeliyaan Jaalliyadda Soomaalida tixgeliyo, waxayna qirtay inay dhowr jeer Duqa magaalladda Leksington, John Fogot kala hadleen mas’uuliyadda ka saaran tahay Baahida Mujtamaca Soomaalida.
Waxay kaloo sheegtay inay ka codsadeen in la siiyo Xarumo ay carruurta Soomaalida ku bartaan Luqadda Englishka iyo Barnaamijyo Khaas u ah dadka waa weyn si ay u bartaan Luqadda Englishka.
Dhinaca kale, Duqa magaalladda Lexington, John Fagot waa uu iska difaacay Eedeymahaasi, wuxuuna tilmaamay inay Soomaalida doonayaan in loo keeno Macallimiin yaqaana Luqaddaha Soomaaliga iyo Englishka, taasi oo uu xusay inaysan awoodin
© Radio Dalsan