Somali ka soo ambabaxday Xerada Dhadhaab oo la qabtay

18 qof oo Somali ah ayaa la sheegay inay Boliska Kenya ku qabteen Degmadda Maua ee Gobalka Meru, xilli ay ku sii jeedeen caasimadda dalkaasi ee Nairobi.

Saraakiisha Boliska waxay sheegeen in Eedeysanayaasha oo ay ku tuhunsan yihiin inay Somali yihiin ay gaari Xamuul ah kaga soo socdaaleen Xeradda Dhadhaab, iyagoo qorsheynayey inay Basaska Matatu-ga u sii raacaan magaalladda Nairobi.

Dadkaasi ayaa waxaa lala xiray Dareewalkii waday Garaiga Xamuulka ee ay la socdeen Dadkaasi oo haatan lagu hayo Saldhigga Boliska ee Ma’ua, si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Qabashadda Soomaalidaasi ayaa waxay ku soo aaday, iyadoo dhawaan Maxkamadda magaalladda Mandera la soo taagay 4 Somali ah, kuwaasi oo lagu xukumay min 5.5million oo Kenya Shilling,  haddii ay dhiibi waayana waxaa loogu bedelayaa min 10-sanno oo Xabsi ah.

©Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor