Somali haysta dhalashadda Norway oo ku biiray Dacaish oo xukun lagu riday

Maxkamadda ku taalla Caasimadda dalka Norway ee Oslo waxaa la soo taagay saddex dhallinyarro haysata dhalashadda dalkaasi, kuwaasi oo la sheegay in ay xiriir la lahaayeen Kooxda Dacish (IS) ee ka dagaalanta dalalaalka Syria iyo Iraq.

Muwaadinka Somali Norwegianka oo lagu magacaabo Jibril Abdi Bashiir ayaa lagu xukumay xabsi dhan 4 sanno iyo 3 bilood.

Jibril Bashir ayaa lagu helay inuu sannadkii 2013-kii ku biiray Kooxda Dacaish, oo uu ka mid ah tan iyo bishii January ee sannadkii hore, ka hor inat uusan ku soo laabanin dalka Norway.

Eedeysanayaashaasi oo 30-jir ah ayaa lagu sheegay inuu u safray dalka Syria, kana soo barbar dagaalamay Kooxda Daacish.

Maxkamadda Oslo waxay kaloo xabsi  ku riday Nin asalkiisa ka soo jeeda dalka Albania  oo lagu magacaabo Valon Avdyli.

Eedeysanahaasi oo 28 jir ahaa ayaa lagu helay inuu u ambabaxay dalka Syria, kuna biiray Kooxda Daacish, waxaana lagu xukumay xabsi dhan 4 sanno iyo 9 bilood.

Eedeysane kale oo ay walaalo yihiin Valon Avdyli , ayaa isagana lagu xukumay 9 bilood, kadib, markii uu ku xadgudubay Sharciga Hub-haysashadda  ee dalka Norway.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor