Soma Oil and Gas Holdings Limited oo soo bandhigtay Heshiiska Saami-qeybsiga Shidaalka Somalia

Guddoomiyaha Shirkadda Soma Oil and Gas Holdings Limited, Michael Howard ayaa soo bandhigay Qorshe qabyo ah oo la xiriira Heshiis ay la geli doonaan Dowladda Somalia, oo ku adaan Saami-qeybsiga Shidaalka laga soo saarayo Somalia, lana filayo in la iibgeeyo sannadka 2020-ka.

Micahel Howard oo horey Mudane uga ahaan jirey Xisbiga Konserfatiifka ee dalka Britain ayaa sheegay inay doonayaan inay DFS ballanqaado inay bixin doonaan 90% Kharajka Sahminta Shidaalka laga baarayo Berriga iyo Badda Somalia.

Shirkadda Soma Oil and Gas Holdings Limited, ayaa soo bandhigtay haddii shidaalka qiimihiisu gaaro 70 Dollar ilaa 150-Dollar Barmaaiilkii inay Shirkadda heli doonto macaash dhan 70$   wax soo saarka ugu horreeya ee 25,000 oo Fuusto.

Wargeyska The Blooomberg ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa soo bandhigay Qoraalka Qabyadda ee  Kharajka Wax-soo-saarka iyo Saami-qeybsiga Shidaalka Somalia ee ay la geli doonaan DFS.

Wargeyska oo soo xigtay ilo rasmi ah oo aad ugu dhow Shirkadda Soma Oil and Gas Holdings Limited ayaa tilmaamay in heshiis kasta oo lala galo Dowladda Federalka Somalia noqon doono mid xaq ah oo Dheelitiran “Fair and blanced Deal”.

Dhinaca kale, Sarkaalak Guud ee Fulinta ee Shirkadda Soma Oil and Gas Holdings Limited, Robert Sheppard, ayaa  sheegay in codsiga Qandaraaskooda uu meel wacan marayo.

Qoraal E-mail ah oo uu bishan May 27dii kaga so ojawaabay su’aalo uu Wargeyska The Bloomberg weydiiyey ayuu Sarkaalkaasi ku muujiyey in Qandaraaskaasi laga wada xaajooday, isla markaana uu gaaray Heerka Wershadda “Industry standards”.
Dhinaca kale,  Wasiirkii hore ee Shidaalka ee Dowladda Somalia, Da’udMohamed Omar ayaa bishii Feberaayo ee sannadkan shaaciyey  in Shidaalka iyo Gaaska laga soo saaro Somalia  la iib geyn doono sannadka 2020-ka, iyadoo ay DFS hehiis saami-qeybsi la galeen Shirkadda  Soma Oil and Gas Holdings Limited,  ee laga leeyahay dalka Britain.

Xigasho:- Bloomberg

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor