Siyaasi lagu xagliyo inuu Kenya u fududeeyey Boobkii Badda Somalia oo Eedeyn u jeediyey Barlamaankii hore ee Somalia

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo mar xilka Wasiirkii hore ee Qorsheynta ka soo qabtay  Dowladdii KMG ee Xilligii Madaxweyne Shekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inay doonayeen in Wada-hadal lagu xaliyo Muranka dhinaca Xuduud-baddeedka ee Dowladda Somalia kala dhexeeyo Dowladda Kenya.

Siyaasigaasi oo Wareysi siiyey Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa sheegay markii uu isaga ka tirsanaa Dowladdii KMG inay ku heshiiyeen in la xaliyo Murankaasi,  oo wada xaaajood lala galo Dowladda Kenya.

Waxa uu intaasi ku daray in Mudanayaasha Barlamaanka Somalia ee Dowladdii KMG ay ku gacan sayreen  in Wadahadal lagu xaliyo muran baddeedkaasi,  isla markaana ay Dowladda Somalia go’aansatay in ay Maxkamadda Garsoorka Caalamiga  ee ICC ee magaalladda Haig ee ddalka Holland loo gudbiyo Murankaasi waa sida uu hadalka u dhigay.

C/raxmaan C/shakuur Warsame waxa uu Wareysigiisa ku sheegay inuu yahay Musharax Madaxweyne, wuxuuna xusay haddii loo doorto xilkaasi inuu ka shaqeyn doono inuu hagaajiyo Xiriirka derisnimo ee Somalia iyo Kenya.

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo wareysiga ku  sheegtay inuu Cilmiga Hoggaaminta iyo Maareynta kaga soo qalin jebiyey Machadka “London Istitute of Management” ayaa dad badan qabaan inuusan  lahayn Khibrad Siyaasadeed iyo Hoggaamineed, maadaama uu Baal Madow ka galay Taariikhda Qaranka, loona aqoonsaday isaga iyo xukuumadi xiligaas jirtay Fududeeyayaashi in muran la galiyo  qeybo ka mid ah Badda Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Dadka Soomaalida waxay marnaba illaabi doonin oo wali aad uga dhex guuxa maankooda  sidii Kenya loogu  fuduyeyey inay dood galiso Xuduudka  Badda ee dalka  Somaaliya.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa hada waxaa u socda dacwad ku aadan xuduudaha badda ee labada dal , waxaana ay aritaan soo bilaabatay markii xukuumadi xiligaas ee R/Wasaare C/rashiid saxiixday qeybo ka mid ah badda Soomaaliya.

Dhawr mar oo hore ayu C/raxmaan C/Shakuur sheegay in uusan laheyn mas’uuliyada saxiixa badda ee Kenya , isagoo sheegay iney aheyd (collective responsibility) mas’uuliyad wadareed ayna masuuliyada culeyskaas la qaadayaan R/wasaarihi xiligaas Cumar C/rashiid iyo golhii wasiirada.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor