Dalka Singapore oo ka mid ah meelihii ugu horreeyay ee uu ka dillaacay coronavirus, ayaa sirdoonka waxay baadigoobayaan dad qaba xanuunka si looga karantiilo.
Bartamihii January, koox ka kooban 20 dalxiiseyaal ah oo ka socday magaalada Shiinaha ku taalla ee Guangxi ayaa Singapore u tegay inay ku qaataan sanadka cusub ee Shiinaha. Waxay booqdeen meelaha ugu quruxda badan ee loo dalxiis tago.
Waxay sidoo kale tageen dukaan lagu iibiyo daawo-dhaqameedka Shiinaha, sida saliidda yaxaaska iyo waxyaabo kale oo dabiici ah. Dukaanka wuxuu caan ku yahay dalxiisayaasha ka yimaada Dhulweynaha Shiinaha.
Waxaa u adeegtay haweeney dukaanka joogtay oo tustay waxyaabo kala duwan. Kooxda Shiineeska ah ayaa dalxiiskooda dhammeystay kuna laabtay dalkooda.