Shirweyne xasaasi ah oo Maanta Musharaxiinta xilka Madaxweynaha u furmaya

Waxaa Maanta oo Sabti  ah lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo Shirweynaha Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2021, kuwaasi oo intooda badan soo gaaray Caasimadda dalka.

Shirkaan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo kala duwan oo ay yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha Doorashada ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020/2021.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Musharaxiin dhowr ah oo u taagan xilka Madaxweynaha dalka oo ay ku jiraan Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre, Daahir Maxamuud Geelle, Cabduqaadir Cosoble Cali iyo Musharaxiin kale oo dhowr ah.

Sidoo kale Ajendayaasha shirka looga hadli doono ayaa waxaa kamid ah sidii Musharaxiinta u sameeyn lahaayeen Is-baheysi mid ah, isla markaana ay ku wajahaan Doorashada dalka Soomaaliya oo weli aan bilaaban qorsheeda.

Musharaxiinta shirka u furmaya ayaa siweyn uga soo horjeeda Guddiyada Doorashada ay magacaawday dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay ku sheegeen inay ku jiraan xubno ka tirsan Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo shaqaalaha dowladda, ayna macquul aheyn inay doorashada dalka maamulaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media