Shirweyne Calaami ah oo looga arrinsanayo Xawaaladaha Soomaalida iyo Horumarinta oo lagu qaban doono Addis Abeba

Wasiiradda Maaliyadda ee dalalka Somalia, Jabuti, Kenya, Uganda, Ethiopia iyo Sudan ayaa la filayaa inay bilowga bisha soo socoto Kulan Khaas ah ku yeeshaan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Urur-gobaleedka Ka hortaga Abaaraha iyo Horumarka ee IGAD ayaa qabanqaabinayo Kulankaasi oo la filayo inay ka soo qeyb galaan Madax Caalami ah.

Shirkaasi oo ah Kii Saddexaad ee Caalamiga ee looga hadlayo Maaliyadda iyo Horumarinta ayaa la filayaa in dib loogu qiimo xiriirka u dhexeeya Xawaaladaha iyo Ammaanka Cuntadda ee Gobalka.

Xoghayaha Fulinta ee Urur-gobaleedka IGAD, Maxbuiub Macallim ayaa sheegay in Shirka Wasiiradda Maaliyadda lagu dejin doono Siyaasadda  lagu xaqiijinayo Xawaaladaha iyo doorka ay ku leeyihiin Horumarinta Gobalka.

Khubarada ka soo qeyb galayso Miiska Wada xaajoodka Maaliyadda waxay dib u eegi doonaan Sharciyadda Bangiyadda dalalka Maraykanka, Britain iyo Australia ee ku aadan qaabka  loo xawilo Lacagaha ama Shirkadaha Xawaaladaha.

Bishii February ee sannadkan, Bangiyadda ugu waa weyn  dalalka Maraykanka, Britain iyo Australia ee fududeeya Lacagaha loo soo xawilo Somalia ayaa waxay joojiyeen xiriirkii ay la lahaayeen Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida, iyadoo laga cabsi-qabo in Lacagaha loo gudbiyo waxa loogu yeeray Kooxaha Argagixisadda.

© Warqabadka Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor