Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta Arbaco ah waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Shirweynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya dhammaan Ergooyin kala duwan oo ka kala socota beelaha dega deegaanada Galmudug,isla markaana reer Galmudug ay uga tashan doonaan aayahooda.
Sidoo kale inta uu socdo Shirka ayaa waxaa dib u heshiisiin dhab ah loo sameeyn doonaa beelaha deegaanada Galmudug,isla markaana waxaa markii uu soo dhamaado Shirka laguda geli doonaa sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan oo loo dhan yahay.
Qabanqaabadii ugu dambeysay ee lagu furayo Shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa saakay ka socota Magaalada Dhuusamareeb sida uu soo sheegayo Warbaahinta Dalsan ee halkaas ku sugan.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Maanta si wadajir Magaalada Dhuusamareeb uga daahfuri doona Shirweynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug.
Ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka dowladda ee loo yaqaano harmacad iyo kuwa AMISOM oo dhawaan halkaas la geeyay.