kulanka mudanayaasha baarlamaanka somalia oo maanta looga hadlayay maareynta mooshinka Madaxweyne xasan sheekh maxamuud ayaa ka dhacay xarunta Villa Hargeysa oo ku taala madaxtooyadda soomaaliya.
kulanka waxaa kasoo qeybgalay Ra’iisulwasaaraha Soomaalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’aarke waxaana shirgudoominayay gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa kasoo qeybgalay xildhibaano farabadan oo kasoo horjeeda mooshinka islamarkaana taageersan madaxweyne xasan sh maxamuud.
Xubno ka tirsan xildhibaanadda oo ka hadlay madasha ayaa shaaciyay in mooshinka uu yahay mid sharci daro ah oo lagu qalqal galinayo hanaanka horumarineed ee dalka.
waxaa jira sideetameeyo xildhibaan oo wada mooshinka islamarkaana ku qanacsan in xilka laga tuuro madaxweyne xasan sheekh maxamuud.