Shirkii amniga ee Urdun oo lagu taageeray dardargelinta nabadgelyada Soomaaliya

 Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda Bariga Afrika ayaa maanta si qota dheer wadatashi uga yeeshay amniga Geeska Afrika iyo sida looga hortagi karo argagixisonimada.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha kale ee Geeska Afrika, ayaa waxaa shir maalin socday oo ka dhacay magaalada xeebta ku taalla ee Aqaba, ku casuumey Boqorka Urdun Cabdalla, si loo helo qorshe iyo talaabo mideysan oo lagu ciribtirayo argagixisada.

Hoggaamiyeyaasha ayaa si gaar ah isu tusaaleeyay, iskuna raacey in Soomaaliya si gaar ah looga taageero dagaalka ay kula jirto kooxaha nabadda diiddan oo qalqal gelinaya amniga gobolka Geeska Afrika.

Shirkan maanta la soo gabagabeeyay ayaa waxaa la isku raacey in argagixisonimada ay khatar ku tahay caalamka oo dhan, loona baahan yahay in si wadajir ah mas’uliyad la isaga saaro baabi’inteeda.

Shirkan waxaa kale oo ka soo qeybgaley wafdi ka socdey dowladda Faransiiska.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor