Shirkadda Facebook oo xayirtay Barta Trump iyo Digniin cusub oo la diray

Shirkadda Facebook ayaa waxaa ay shalay ku dhawaaqday in bartii uu Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka ku lahaa Facebook sii xayiri doonaan ugu yaraan ilaa bisha Janaayo ee sanadka 2023-ka.

Shirkaddu waxaa ay sheegtay inay mustaqbalka si dhow ula socon doonaan Calaamadaha muujinaya sida ay Shirkadda ula dhaqmi doonto Hoggaamiyayaasha Caalamka ee Jebiya Sharciga Facebook.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka waxaa la xayiray Cinwaankii uu ku lahaa Shirkada Facebook bishii May ee sanadkii hore, kadib, markii uu qoraalo colaad-hurin soo dhigay Bartaasi oo uu ku taageeray Rabshadihihii ay Taageerayaashiisa ka sameeyeen Aqalka US CAPITOL ee Washington bishii Janaayo 6-dii ee sanadkii hore.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor