Labo Shirkado Isgaarsiineed iyo Adeegga Internetka ee ka dhisan magaalladda Hargeysa ee Maamulka Somaliland ayaa xayiray Shabakado Warbaahineed (Websites) oo caan ah.
Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii ay Shirkaddaha Telesom iyo Somcable xayireen, hawadana ka saareen Shabakadaha Warbaahineed ee Hadhwanaag iyo Aftahan, kadib, markii ay daabaceen warar aysan Maamulka Shirkadahaasi jeclaysanin.
Shirkadda Telesom ayaa xanibtay Shabakadda Aftahan.com, kadib, markii lagu soo daabacay Gabay uu tiriyey Fannaan Deegaanka ah oo uu si kulul ugu naqdiyey Nidaamka Lacagta la isugu xawilo ee Shirkadda Telesomee Zaad (Mobile Banking System), isla markaana ay Xawilaadaasi sare u kac u keentay Qiimaha wax-soo-saarka iyo Hoos-u-dhac ku yimid qiimaha Lacagta laga isticmaalo Somaliland.
Gabyaaga Axmed Saleebaan ayaa wax ka tiriyey dhibaatadda ay dadka ku qabaan Zaad-ka, o ou uxusay inay wax u dhintay Maciishadda iyo Dhaqaalaha.
Sidoo kale, Shirkadda kale ee Isgaarsiinta Somcable ee bixisa Internet-ka ayaa iyadana ka xanibtay Adeegga Internetka Shabakadda Wararkka ee Hadhwanaagnews.com, kadib, markii lagu qoraal Maqaal yar oo lagu naqdiyey Shirkadda Somcable.
Xoghayaha Guud ee Warbaahinta Hargeysa Media House, Jamaal Ibraahim Maxamed oo la hadlay Radio Dalsan ayaa si kulul u naqdiyey Tallaabadaasi oo uu xusay inay afduub ku noqonayso Xorriyadda Hadalka iyo Madax-bannaanida Saxaafadda.
Waxa uu intaasi ku daray in Xayiraaddan cusub horseedi doonto caburin kale oo loo geysto Xorriyadda Hadalka iyo Warbaahinta ka hawlgala Somaliland.
Xoghayaha Guud ee Warbaahinta Hargeysa Media House, Jamaal Ibraahim waxa uu tilmaamay in Tallaabadda ay Shirkadaha Khaaska ee Isgaarsiinta ku soo rogeen Xayiraadda cusub Warbaahinta Online-ka inay muujinayso cadaadiska sii kordhaya ee lagu hayo Warbaahinadda Maxaliga, wuxuuna isweydiiyey awoodda ay Shirkadaasi ku xayiri karaan Labadaasi Warbaahin, iyadoo aysan Maxkamadi kudhawaaqin Xayiraadaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Hay’adaha Warbaahinta iyo kuwa u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Somaliland ayaa walaac xooggan ka muujiyey Xanibaadaasi iyo Tacadiyadda ay la kulmaan Suxufiyiinta fadhigoodu yahay Somaliland.
©Radio Dalsan