Shirkada Turkish Airline oo la filayo iney dib u bilawdo duulimadyadeedii Muqdisho

Shirkada diyaaradaha Turkiga ee Turkish airlines oo hore u joojisay duulimaadyadii ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho ayaa imminka la filayaa iney dib u bilawdo.

Warbixino horu dhac ah oo ay warbaahinta qaar baahisay ayaa muujinaya in Turkiga uu weli isha ku hayo ammaanka Muqdisho balse ay ka go’an tahay in shirka ay dhaqsi u bilawdo duulimaadyadeeda toos ah ee Turkiga ilaa iyo Soomaaliya.

Saraakiisha Shirkada ayaa qaatay go’aanka ah in marka hore la eego ammaanka Garoonka Aden cade iyo guud ahaan Muqdisho ka hor inta aysan shirkada bilaaben howlaheeda duulimaadyada.

Shirkada oo bilawday duulimaadyadeeda Muqdisho 2012kii ayaa hakisay bishii Febraayo ee sanadkan kadib markii uu qarax ka dhex dhacay gudaha diyaarada daallo Airlines.

Warar aan waqtigasi la xaqiijin ayaa sheegayay in qaraxa lala damacsanaa in lagu qarxiyo diyaarada Turkish Airlines.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor