Shirkad shisheeye oo lagu wareejin doono Maamulka Dekedda magaalladda Berbera

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Maamulka Somaliland, Mohamed Biixi Yoonis oo haatan ku sugan caasimadda dalka  inay wada hadallo ku jiraan Shirkaddo Caalami ah, isla markaana ay ka xulan doonaan Shirkadda ugu habboon in lagu wareejiyo Maamulka iyo Horumarinta ee Dekedda Berbera.

Wasiirka oo haatan ka qeyb galayo Shirka Bangiga Horumarinta Afrika uga socda caasimadda dalka Ivory Coast ee Abidjan ayaa sheegay inay Shirkadda ku guuleysata Qandaraaskaasi ay Maamulka Dekedda Berbera ku wareejin doonaan dabayaaqadda sannadkan.

Waxa uu intaasi ku daray in bilowga sannadka soo socda dhismo lagu kordhin doono Dekedda Berbera, si ay Dekedda u noqoto mid loo adeegsna karo Shixnadaha Transitka ee  laga leeyahay dalalka kale ee ku yaalla Geeska Afrika.

Shirkaddaha ay Maamulka Somaliland  wada xaajoodka kula jiraan ayaa kala ah: ShirkaddaBollore ee laga leeyahay dalka Faransiiska, Shirkadda Maraakiibta ee Mediterranean  ee uu fadhigooda dhexe ku yaallo magaalladda Geneva ee dalka Switzerland iyo Shirkadda Dubai DPee dalka Imaaraadka Carabta.
© Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor