Shirkad ka shaqaysa Nidaaminta Iyo Aaska Qubuuraha oo Gaalkacyo lagu daahfura
Shirkadan ayaa lagu magacaabaa Sahay Aakhiro Group sida la sheegay waxa ay samayn doontaa dhamaan howlaha la xiriira Dhaqida Maydka, Karfanta iyo Aaska Qubuuraha.
Munaasabad lagu daahfurayey Shirkadaas ayaa waxaa lagu qabtay Magaladaa,waxaana ka qeyb galay qaar ka mid ah Shacabka iyo masuuliyiin.
Shirkadaan Sahay Aakhiro ee ka Shaqeysa howlaha la xiriira dhaqida meydka ayaa ah tii ugu horeysay,iyada oo hadal-heynta magalada Gaalkacyo ay Maanta aheyd aas’aasida Shirkadaas.