Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ayaa maanta oo sabti ah isugu yimid kullankoodii caadiga ahaa,waxayna kaga arrinsadeen ka tashiga taariikhda xiritaanka kalafadhiga 3-aad ee Golaha Aqalka sare.
Kullanka ayaa waxaa shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo ay wehlinayeen Labadiisa ku-xigeen,waxaana markii uu kullanka soo idlaaday warbaahinta u faah faahiyay waxyaabihii looga hadlay Xoghayaha Joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Jaamac.
“ Ajendaha kullanka wuxuu ahaa kalafadhigan saddexaad waqtigiisa soo gabagaboobay ayaa laga tashanayay waqtigii la xiri lahaa,waxay ku aadan tahay sida xeer hoosaadka iyo dastuurka noogu qoran bisha July 10-keeda,maadama shaqooyin badan Golaha u yaaleen ayaa laga wada hadlay sidii waqtigaa go’aan looga gaari lahaa,” ayuu yiri Xoghayaha joogtada Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cali Maxamed Jaamac.
Sidoo kale,Xoghayaha joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ayaa sheegay in kullan ay wada qaateen Labada Guddoomiye Baarlamaan ee Aqalka sare iyo Golahha Shacabka isku afgarteen in halmar la wada xiro kalafadhiga Baarlamaanka,maadama bishii Maarso 10-keeda mar la wada furay.
Ugu danbeyntii,Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dardar gelinaya howlaha muhiimka ah ee horyaala.