Shirka wadatashiga Wasiirada Warfaafinta DFS iyo kuwa dowladd Goboleedyada oo Baydhaba ka furmaya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed,waxaana Garoonka diyaaradaha shaati-Gauddud ku soodhaweeyey Wasiiiro,Xildhibaano Saraakiil katirsan Maamulka KGS.

Wafdiga Wasiirka waxaa qayb ka ah Wasiirada Warfaafinta dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasinka Warfaafinta  Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale.

Ujeedka Safarka Wasiirka ee Baydhabo ayaa ah ka qeybgalka shir wadatashi ah oo Wasiirada Warfaafinta dowladda Federaalka kuwa dowladd Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir OO Magaaladaas uga furmaya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor