Shirka Magalada Beijing oo Maanta la soo gaba gabeynayo

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta lagu soo gebagabaynayaa shirkii shalay halkaas uga furmay madaxda Afrika iyo midka Shiinaha.

Shalay ayey aheyd markii furitaanka shirka uu madaxweynaha Shiinaha kaga dhawaaqay dhaqaale dhan 60 bilyan oo doolar oo uu Afrika ku maalgalinayo.

Sanduuqan oo loo qoondeeyey hindisayaasha horumarineed ee Afrika ayaa la filayaa in lagu fuliyo saddex sanno gudahood.

Soomaaliya ayaa dhawaan saxiixday Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative), hindisahaas oo fududeenaya isku xirnaanta dalalka iyo horumarka dhaqaale.

Gaba gabada Shirka ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro Warmurtiyeed ay ku heshiiyeen Madaxda ka qeyb gashay Shirkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor