Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxaa la filayaa in gelinka dambe ee Maanta uu ka furmo Wejiga saddexaad ee Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka.
Shirkaan ayaa qorshahu waxaa uu yahay inuu socdo saddex maalmood oo lagaga hadli doono hannaanka doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan dalka, waxaana markii uu soo dhamaado, kadib laga soo saari doonaa War-murtiyeed.
Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa weli gaarin Magaalada Dhuusamareeb, xili laga doonayay inay tagaan halkaas si ay uga qeyb galaan Shirka.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa ka qeyb galka shirkaas shuruud uga dhigay in Beesha caalamka lakeeno madasha, isla markaana goobjoog ka ahaato shirka, halka Madaxweyne Axmed Madoobe la sheegay inuu ku sugan yahay Magaalada Nairobi.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Madaxweynaha Galmudug iyo Duqa Muqdisho Cumar Finish ayaa saacadihii lasoo dhaafay yeeshay kulamo hordhac u ah wejiga saddexaad ee shirka.