Shirka madaxda Afrika iyo Mareykanka oo maanta ka furmaya Washinton

Hogaamiyeyaasha Afrika ayaa ku sii qulqulaya Washington ka hor shirka Mareykanka iyo Afrika oo uu martigelin doono Madaxweyne Joe Biden.

Shir-madaxeedka saddexda maalmood socon doona ayaa bilaabmaya maanta, waxaana ujeeddadiisu tahay in lagu muujiyo sida ay uga go’an tahay maamulka Madaxweyne Biden ee uu u daneynayo qaaradda, sida ay sheegeen qabanqaabiyayaasha.

49 ka mid ah madaxda dalalka Afrika iyo guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa lagu casuumay shirkan. Dalalka Mali, Guinea, Sudan iyo Burkina Faso – oo uu Midowga Afrika hakiyay xubinimadooda- lagama casuumin kulanka.

Ereteriya ayaa sidoo kale laga reebay liiska waddamada ka qeyb galayo shirkan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa sidoo kale gaaray dalka Mareynkanka halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shirkan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor