Shirka Madasha Xiriirka Arrimaha bin’aadamnimada oo Kismaayo ka furmay

Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland ka furmay Shirka Madasha Xiriirka Arrimaha bin’aadamnimada.

Shirkaan waxaa si wada jir ah u daahfuray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiirka Qorsheynta XFS Cabdiraxmaan Beenebeene.

Waxaa ka qeybgalaya shirkaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Wasiirada Gargaarka dowlad Goboledyada, Agaasimaha Gargaarka Gobolka Banaadir ,wakiilo iyo safiiro ka socda  Beesha Caalamka.

Shirkaan  waxa lagu faaqidayaa

Jihaynta gargaarka iyo taakulada dadka Soomaaliyeed ee la kulma musiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan fatahaadaha iyo abaaraha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply