Shirka Maalgashiga Puntland oo galay maalintii labaad

Magaalada Garoowe Xarunta Gobolka Nugaal ayaa maalintii labaad waxaa ka socda shirka Maalgashiga Puntland,kaasi oo shalay si rasmi ah uu u furay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Shirka Maalgashiga Puntland nayaa waxaa ka qeyb-galaya ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwa Ajaanib ah,kuwaasi oo kala socda ku yaalla qaarada Afrika, wadamada Carabta, Shiinaha iyo dalal kale oo mudada shirku socdo loo bandhigi doono fursadaha maal-geshi iyo kuwa ganacsi ee ka bannaan deegaanada maamulka Puntland.

Sidoo kale ayaa waxaa uu socon doonaa Shirka muddo Saddex maalmood ah,isla markaana inta uu socdo ayaa waxaa lagu soo bandhigi doono fursadaha Maalgashiga u baaha ee Puntland sida Xoolaha,Kheyraadka Badda iyo macqanta iyo kuwo Fursado kale.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay Casho sharaf  soo dhoweyn ah u sameeyay Madaxda iyo Masuuliyiinta kasoo qeybgalay Shirka Maalgashiga Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media