Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Magaalada Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa si rasmi ah uga furmay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo ay ka qayb galayaan dhammaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirka ayaa waxaa ka qayb-galaya Madaxweynaha Sooomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, RW Xamse Barre iyo ku xigeenkiisa, Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolkani Banaadir.

Shirka ayaa Madaxdu uga wada hadli doonaan Xaaladda guud ee Dalka gaar ahaan Howlgalada socda dalka, ee ka dhanka ah AL-Shabaab, kuwaasi oo si dar-dar leh uga socda Gobolada dalka.

Shirkaan ayaa ka duwan shirarkii hore waxaana uu kusoo aadayaa Xili dalka ay si xooggan kaga bilowdeen dagaallo xooggan oo u dhexeeya Dowladda iyo AL-Shabaab, waxaana shirkaan si gaar ah diiradda loogu saari doonaa sidii loosie xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah AL-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor