Shirka Baarlamaanada Islaamka oo Maanta furmaya

Shirka 15-aad ee Midowga Baarlamaanada dowladaha Islaamka ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Magaalada Ouagadougou ee Caasimada dalka  Burkina Faso ee Galbeedka Afrika.

Shirkaan ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo wafdi Xildhibaano ah, kuwaasi oo gaaray dalka Burkina Faso.

Shirkan oo sanadkiiba mar iskugu yimaadaan Baarlamaanka Wadamada ku bahoobey OIC iyo PUIC  oo sanad walba lagu qabto mid ka mid ah Caasimadaha Wadamada xubnaha ka ah Ururkan, ayaa sanadkii hore wuxuu ka dhacay CASABLANCA oo ah Caasimada Dalka MOROCCO.

Shirkan oo ah mid lagu lagu gorfeeyo laguna difaaco danaha Wadamada Dadyoowgooda Muslimiinta u badanyihiin ayaa waxaa qayb ka ah Dhamaan wadama Carbeed, qaar ka mid ah Wamada Qaaradda Afrika iyo sidoo kale Qaarka mid ah Wadamada Latin-America , Dalalka Turkiga iyo Iran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media