Shirka Amniga Qaranka oo Maanta Warmurtiyeed laga soo saarayo

Waxaa Maalintii Saddexaad galay shirka Amniga Qaranka oo ay ka qeyb galayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada  dalka ka jira iyo Madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Shirkaan oo  uu furay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa diirada lagu saarayay sidii Ciidamada dowladda ay AMISOM kala wareegi lahaayeen Amniga dalka waxyaabihii ka qabsoomay shirarki hore iyo qodobo kale.

Sidoo kale waxaa  shirkaas Warbixino looga dhageystay Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga sidoo kale talisyada Ciidamada iyo Madaxda dowlad Goboleedyada.

Shalay ayuu qorshuhu ahaa in la soo gaba gabeeyao balse uu dib u dhacay Maanta ayaanala filayaa in shirkaan Amniga Qaranka la soo gaba gabeeyo isla markaana laga soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen madaxda dowlada iyo kuwa Dowlad goboleedyada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media