Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur Sanye ayaa Maanta oo sabti ah Shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay amniga Gobolkaas iyo kan Magaalada Gaalkacyo.
Kulanka oo todobaadkiiba mar la qabto ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa howlaha nabadgalyada ee lagu xaqiijinayo amniga Gobolka, waxaana kulankaas ka qeyb galay Saraakiisha Ciidamada Gobolka Mudug ee Puntland.
Guddoomiye Cabdiladiif Muuse Nuur Sanye iyo Saraakiisha kulmay ayaa latashiyo iyo tala-soojeedino kadib soo saaray Go’aano gabi ahaanba lagu manuucayo in gudaha Magaalada Gaalkacyo lagu dhex qaato hubo, si loo xoojiyo Amniga Shacabka.
Bulshada  Gaalkacyo ayaa waxaa la faray in maanta laga bilaabo la mamnuucay qaadashada hubka lagu dhex wadanayo Magaalada, cidii lagu arkana laamaha Amnigu amar u haystaan in ay ka qaadaan tilaabo sharciga waafaqsan.
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay kamid tahay Magaalooyinka loo Asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee dhanka Galmudug, waxaana horey halkaas uga dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan.