Shil dhaliyay khasaro isugu jira  dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Gobolka Nugaal.

Gudomiyaha Gobolka Nugaal Iyo Taliyah Qaybta Booliska Gobolka Nugaal Oo Gurmad U Fidiyay Shil Gaari Oo Sababay Dhimashada 6 Qof Iyo Dhawaca 3 Qof Oo Ka Dhacay Tuulooyinka Salaama Iyo Libaaxo Dhexdooda Ee Gobolka Nugaal.

Gudomiyaha Gobolka Iyo Taliyaha Qaybta Oo Tagay Halka Uu Shilku Ka Dhacay Ayaa Gurmad U Fidiyay Dadkii Waxyeeladu Soo Gaartay Kuwaaso Loo Soo Qaday Isbitaalka Garowe.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud Ayaa U Tacsiyadeeyay Qoysaskii Ay Ka Geryooden 6da Qof Halka Kuwii Dhacwacmayna Alle U Weydiiyay Inuu U Boga Dhayo.

Taliye Xussen Cali Ayaa Sidoo Kale U Mahadceliyay Ciidamada Booliska Degmada Dongaronyo,Ciidamada Wadooyinka,Shirkada Korontada Ee Nec,Sarakiisha Cafimaadka Ee Isbitaalka Guud Ee Garowe Iyo Cidwalba Oo Ka Qayb Qadatay U Gurmashada Shilkan.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud Ayaa Darewalada Ugu Baaqay Inay Ilaaliyaan Badqabka Dadka Ay Wadaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor