Sheikh Nuur Baaruud Gurxan Oo beeniyay in uu ku dhaawacmay weerarkii Hotel Saxafi

Sheikh Nuur Baaruud Gurxan oo ah gudoomiye ku xigeenka Hay’adda  Culimadda Soomaaliyeed ahna   Afhayeenka Hey’adda oo la hadlay TV-ga dowladda ayaa sheegay in uu bad qabo islamarkaana uu alle kasoo badbaadiyay weerarkii ay Al shabaab ku qaadeen Hotelka Saxafi.

Sheikh Nuur ayaa kamid ahaa masuuliyiintii ku sugnaa gudaha hotelka waxaa uu sheegay in ay gudaha hotelka ay soo galeen ilaa 4 dagaalame oo kaliya islamarkana ay toos u tooganayeen dadka hotelka ku sugnaa.

Waxaa uu xusay in kooxda weerarka soo qaadey ay ku hadlayeen telephone islamarkaana ay sheeganayeen in ay gacanta ku hayaan hotelka.

Ugu dambeyn waxaa uu shaaciyay in uu caafimaad qabo islamarkaana ay been abuur yihiin wararka sheegaya in uu geeriyooday ay been abuur yihiin.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor