Abaarihii 04:40 daqiiqo ee gelinkii dambe ee maanta waxa uu qarax ka dhacay agagaarka Hotelka Wehliye ee Waddada Maka Al-mukarama ee magaalladda Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu qaraxu ka dhashay gaari uu lahaa Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo ka mid ah Mashaa’iqda ugu waa weyn Somalia.
Xilliga uu qarxay gaarigaasi ayaa la sheegay inaysan cidna ku jirin, oo uu dhinac yaalla Waddada.
Wiil Dhallinyaro ah ayaa la shegeay inuu dhaawac fudud ka soo garaay qaraxaasi, kaasi oo ay xaallaadiisa wanaagsan tahay.
Warar Xogogaal ayaa sheegay in garaiga lagu rakibay miinadda nooca gaadiidka lagu xiro, wuxuuna qaraxu burburiyey Muraayadaha Gaariga oo keliya.
©Radio Dalsan