Maamulka Puntland ayaa gaashaanka ku dhuftay hadal ka soo yeeray Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan, Leila Zerrougui oo ku aadanaa inay Puntland isla afgarteen inaan Maxkamad la soo taagi doonin 12 carruur oo lagu qabtay dagaalkii Alshabaab ku qaadeen qeybo ka mid ah Puntland.
Leila Zerrougui oo dhawaan booqatay Puntand ayaa sheegtay inay Puntland ballan qaadeen inaysan toogan doonin carruurtaasi lagu qabtay Dagaalkii Alshabaab.
Hal maalin kadib, hadalkeeda, waxa arrintaasi beeniyey Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Goballadda Nugaal iyo Sool, Major C/llahi Xersi Cali “C/llaahi Dheere.
Waxa uu si kulul uga biyo diiday inay Puntland oggolaatay inaan la toogan doonin carruurtaasi ka tirsan Maxaabiista Alshabaab, haddii ay ku guul-daraystaan Codsigooda Rafcaanka ah.
Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Goballadda Nugaal iyo Sool, Major C/llahi Xersi Cali “C/llaahi Dheere waxa uu tilmaamay inuu ka mid ahaa Guddigii Puntland ee Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan, Leila Zerrougui kula kulmay magaalladda Garowe, isla markaana aan lagu heshiinin in carruurta maxaabiista ka tirsan Alshabaab laga cafiyey xukunkii dilka ahaa.
©Radio Dalsan