Sheekh Shariif oo taageeray Banaanbaxii looga soo horjeeday Farmaajo ee dhacay

Banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeday Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ka dhacay waqooyiga Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Boqolaal dadweyne oo isugu jiray dhalinyaro, Haween, Caruur iyo Odayaal ayaa afurkii kadib isugu tegay deegaanka gubadley ee Kaaraan oo ay kasoo dhaqaaqeen, iyagoona aad u careysan muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

Banaanbaxayaasha ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah Farmaajo oo ay kamid yihiin (doonimeyno Farmaajo, doorasho diid doonimeyno iyo ha dhaco), isla markaana sitay boorar ay ku dalbanayaan in Madaxweynaha dalka isaga baxo oo ay ku tilmaameen inuu yahay kaligii taliye, ayna kasoo horjeedan tallaabadaas.

Sidoo kale dadka dhigaayay banaanbaxa ayaa socod dheer kusoo baxay Isgoysyada Sanca, afarta Darjiin, Siinaay iyo xararyaale, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in markii ay gaareen xararyaale banaanbaxayaasha halkaas lagu rasaaseeyay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa soo dhaweeyay banaanbixiii ugu xooganaa ee ka dhacay Muqdisho oo looga soo horjeeday muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan soo dhaweynayaa banaanbaxyada nabadeed ee lagu diidan yahay muddo kororsiga sharci darrada ah ee qaybaha bulshada Gobolka Banaadir ay ka dhigayaan magaalada Muqdisho” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Shariifka ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku yiri “Waa tallaabo lagu difaacayo xorriyadda iyo dimuqraadiyadda, waxaana aaminsanahay in dibadbaxyadu yihiin habka ugu wanaagsan ee ay shacabka ku muujin karaan dareenkooda”.

Maalin kahor ayey aheyd markii Isgoyska Fagax ee Muqdisho uu ka dhacay banaanbax looga horjeeday Farmaajo, halkaas oo iska hor imaad kooban ku dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa Milateriga ee Mucaaradka ah ee kasoo horjeeda Farmaajo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor