Sheekh Shariif oo beeniyay warar lagu faafiyay Baraha Bulshada

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada ayaa waxaa lagu faafiyay warar sheegayay inuu jiro heshiis isku tanaasul ah oo la dhex dhigay qaar kamid ah u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Sharif Sh Axmed ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa beeniyay wararka sheegayay in shir ay yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha mudullood oo lagu gaaray heshiis.

Qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif ayaa waxaa uu been abuur ku tilmaamay wararka la xiriira heshiiskaas oo la sheegay inuu ahaa mid isku tanaasul ah oo la dhex dhigay Murashaxiinta qaar.

“Waxaan had iyo goor aaminsannahay dimuqraadiyadda iyo in lagalo tartan xor ah, ku salaysan aragti siyaasadeed iyo isbahaysi, taasoo aan waqti soo galinnay welina aan u taagannahay. Sidaa darteed waxaan rabaa inaan caddeeyo inaysan waxba kajirin wararkaku saabsan shir ay yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha mudullood oo lagu gaaray heshiis isku tanaasul ah oo la dhex dhigay murashaxiinta qaar” ayuu yiri Sheekh Shariif Sh Axmed.

Si kastaba hadalka Sheekh Shariif ayaa meesha ka saaray hadal-heynta baraha Bulshada ee la xiriirtay inuu ka tanaasulay u tartanka xilka Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna hadalkiisa kusoo aaday, iyada uu dalku ka galay marxalad doorasho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor