Sheekh Shariif “Ma fileyno inay dalka ka dhacayso Doorasho Qof iyo Cod ah”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh oo Khudbad ka jeediyay Munaasanadda Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka la filaayo in dalka ay dhacaan Sanadka 2020.

Shariif ayaa waxaa uu sheegay in xiligaan sida ay wax ku socdaan la fileyn in dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah sanadka 2020,isla markaana haatan rajadaas aysan muuqan.

Sheekh Shariif oo hadlaayay ayaa waxaa uu yiri ” Ma fileyno inay dalka ka dhacayso doorasho qof iyo cod ah mana muuqato’.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  ayaa ka hadlay Cunaqabateyntii dowladda Federaalka saartay dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay ugu weyn tahay xayiraadii la saaray duulimaadyadii tooska ee Kismaayo iyo Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu tilmaamay in dadka reer Jubbaland ay soo mareen dhibaayootin,hayeeshee haatan aysan mudneyn in lagu abaalmariyo cunaqabatayn.

” Dadka reer Jubbaland dhibaatadii la ogaa ayeey ka soo baxeen ma mudnayn in lagu abaal mariyo cunaqabatayn”.ayuu yiri Sheekh Shariif.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media