Senater Muuse Suudi oo kamid ah Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta Khudbad ka jeediyay Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Muuse Suudi ayaa waxaa marka hore ugu hambalyeeyay Axmed Madoobe Doorashii uu kusoo baxay ee ka dhacday Magaalada Kismaayo,isaga intaasi kadib ka hadlay arrimo kala duwan.
Muuse Suudi ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo haatan uusan jirin Heshiis laga raadinayo oo dhexmari lahaa isaga iyo Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira.
“Farmaajo labada lugood mid Puntland ayaa ka goosatay mid kalena Jubbaland ayaa ka goosatay,Gacanta midna waxaa uga dhegan Galmudug,waxaa soo haray Calool iyo iyo Af iyo gacan bidix ah oo aan waxba lagu Cuni karin,intaasina lala mashaqeyn karo”ayuu yiri Senater Muuse.
Isaga oo sii hadlaayay Muuse Suudi ayuu weerar Afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo,waxaana uu tilmaamay in uusan jirin Farmaajo qof uu rabo,isla markaana qof waliba uu u adeegsado dadkeeda,sidoo kalena Kursigiisa uu yaallo iska horkeen oo kaliya.
Waxaa kaloo uu xusay in Farmaajo uu is qariyo,isla markaana amarada ka soo baxa loo dhiibo Wasiirada,kuwaasi oo sida uu rabo ku dhacaan.
Senater Muuse Suudi oo kamid ah Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kamid ahaa Mas’uuliyiintii lagu Casuumay Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Hoos ka Dhageyso Codka Senater Muuse Suudi.