Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayay munaasabad maanta ka dhacday magaalada Muqdisho oo loogu dhawaaqayay midowga xisbiyada Qaran ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira Siyaasadda iyo amniga.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd ayaa tilmaamay in uu cabsi weyn ka qabo ciidamo nabad sugid ah oo habeenkii la qorayo isla markaana loo qaadayo laba dal oo kaliya sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu dhowr su’aal geliyay ciidamada iyo qaabka loo qorayo,isaga oo sheegay in uusan garanayn ciidan la qorayo xili habeen ah lagana qaraniyo taliyahoodi kadibna loo qaadayo laba doowladood in kasta oo uusan carabka ku dhufan dowladahaas hase’ahaate waxa uu sheegay in aan la aqbali karin ciidamadaas la qorayo in lagu dhibateeyo ummaada.