Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudka Lahayn ee MSF ayaa sheegtay in saddex ka mid ah Shaqaalahooda lagu dilay Gobalka Tigrayga ee ay Colaadaha ka socdaan.
Hadal-qoraal oo ay MSF soo saartay ayey ku sheegtay in shaqaalaha la dilay lagu kala magacaabi jirey Mariya Hernandez oo u dhalatay dalka Spain iyo Yohannes Halefom iyo Tedros Gebremaryam oo Ethiopian ahaa, kuwaasi oo maydadkooda shalay subax laga helay meel ku dhow gaarigii ay ku safrayeen.
Dhinaca kale, Dowladda Ethiopia waxay war ka soo saartay dilka loo geystay Shaqaalaha MSF,  iyadoo ku eedeysay Kooxda Mucaaraadka Tigrayga ee TPLF inay ka dambeeyeen dilkaasi ka dhacay Degmadda Abi Adi ee Gobalka Tigrayga.
Taliska Difaaca eeKooxda TPLF ee dagaalka kula jirta Milliteriga Federalka weli kama aysan hadlin dilkaasi lagu eedeeyey.