Shacab careysan oo Nin hubeysan ku qabtay xaafad ka tirsan Magaalada Boosaaso

Nin ku hubeysnaa qori AK-47 oo dhac u geysanaayay dad shacab ah ayaa habeenimadii xalay aheyd lagu qabtay xaafad ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, kaasi oo ku lebisnaa dharka tuutaha Ciidamada Puntland.

Ninka ayaa waxaa gacanta ku dhigay qaar kamid ah shacabka Boosaaso oo ka qaaday qoriga uu watay, kadib markii ay arkeen inuu dhac u geysanayey dad, isla markaana uu doonayey inuu ka qaato agabyo ay wateen dadkaas.

Dadka qabtay Ninka hubeysnaa ayaa Ninkaas ku wareejiyay Ciidanka Booliska Puntland, iyagoona markii dambe xiray, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska oo tilmaamay inay Ninka ku wadaan baaritaano kala duwan, maadaama uu xirnaa dharka tuutaha.

Sidoo kale Saraakiisha Booliska Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa intaas kusii daray in baaritaan kadib sharciga la hor-gayn doono Ninka tuutaha Ciidanka ku lebisnaa ee qoriga wax ku baaranayay ee shacabku qabteen.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa horey loogu qabtay rag hubeysan oo dhac u geysanayey dad shacab ah oo kamid ah dadka deegaanka, kuwaasi oo qaarkood la horgeeyay Maxkamad, isla markaana laga riday xukuno.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor